Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Mareykan ah oo Howlgal ka Fuliyey Sh/Hoose


Wararka ka imanaya deegaanka Dar As Salam oo u dhexeeya magaaloyinka Bariire iyo Mubarak ee Shabelelda Hoose ayaa sheegaya in ciidamo iskugu jira Maraykanka iyo Soomaali ay xalay weerar ku qaadeen deegaankaasi.

Ciidamadan ayaa la sheegay in goobaha ay bartilmaameedsadeen ay ku jirtay laan idaacadeed oo Al-Shabab ay ku lahayd degaanka Dar As Salam.

Mas’uuliyiinta gobolka oo magacooda diiday in la sheego ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in ciidamadan ay ku yimaadeen diyaarado helikobtarro ah degaankaasi, kadibna ay lug ku tageen Dar As Salam.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay dileen siddeed ka tirsan mintidiinta, islamarkaana ay qalab kasoo qaateen dhismaha ay weerareen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamadan ay rasaas kala kulmeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab.

Ururka Al-Shabab ayaa iyagu sheegtay inay fashiliyeen weerar ay ciidamada Maraykanku soo qaadeen, waxayna sheegeen inay dhowr askari ka dileen.

Dawladda Maraykanka ayaa ciidamo u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo ah Kumaandooska loo yaqaan Danab oo ilaa haatan la tababaray in ka badan 500. Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in la ballaadhiyo tababarkaasi lana gaarsiiyo ilaa 4 kun oo askari.

XS
SM
MD
LG