Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Somaliland oo Dad ka Xiray Iskuul


Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa hawlgal ka fuliyey goob wax lagu barayey hablo ka soo noqday wadamada qurbaha, halkaasna waxay ka soo qabqabteen hablihii ku sugnaa dugsigaas waxbarasho oo ahaa dugsi xanaano ah ama ardaydu seexdaan.

Dugsigan oo waalidiinta hablaha dhalay ay sheegeen in lagu baranayey arrimaha diinta, ayaa ahaa mid loogu talo galay in hablaha qurbaha ka soo laabtay ay ka helaan adeeg waxbarasho, hase ahaatee mid ka mida hablaha dugsigan wax ka baranaysay ayaa ka baxsatay.

Ehelada hablaha ay lamaaha ammaanka Somaliland gacanta ku dhigeen ayaa sheegay, in gabadha dugsiga ka baxsatay ay sheegtay in dugsigaas hablaha lagu waxyeelleeyo, taasina ay horseedday in ciidamo ka tirsan booliska Somaliland inay dugsigaas tagaan oo soo kaxaystaan hablihii dugsigaas ku jiray.

Waalidiinta ayaa sheegay in hawlgalka ay sameeyeen laamaha ammaanka Somaliland inay ka dambeeyeen masuuliyiinta ajnebiga ah ee dalalka hablahaasi dhalashadooda haystaan, u jooga magaalada Hargeisa.

Illaa haatan faahfaahin badan lagama bixinin tirada hablaha ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka ee Somaliland, hase ahaatee waalidiinta ayaa u sheegay warbaahinta in qaar ka mida hablahaas haatanba loo diyaariyey in loo celiyo dalka Denmark oo ay haysteen dhalashadooda.

Hablahan ayaa da’doodu u dhexeysaa 15 jir illaa 20 jir, waxaana waalidiintu ay sheegeen in la weydiinayo hablahaas in loo celiyo dalalka ay dhalashadooda haystaan, taasina ay walaac ka muujiyeen in iyaga oo aan la kulmin in dib loogu celiyo dalalka ay hablahani ka haystaan dhalashada.

Waalidiinta iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa kulan ku yeeshay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku taalla magaalada Hargeisa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u sheegay warbaahinta inay wadahadal yeesheen waalidiinta hablahan isla markaana ay gaadheen isfaham.

XS
SM
MD
LG