Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Sharci Beddelaya Obamacare oo loo Codeynayo


Xubnaha Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa la filayaa in maanta ay u codeeyaan sharci baabi’inaya, islamarkaana beddelaya sharciga daryeelka caafimaadka ee loo yaqaan Obamacare.

Hogaamiyaha xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka, Kevin McCarthy ayaa kalsooni ku muujiyey inay taageero ku filan ka haystaan xubnaha xisbigiisa, si sharciga loo ansixiyo.

“Waan ansixin doonnaa sharcigan” ayuu yiri McCarthy.

Hogaamiyayaasha xubnaha xisbiga Jamhuuriga, oo uu ku jiro madaxweyne Donald Trump ayaa maalmo badan ka shaqeynayey in xubnaha xisbigooda ay ka dhaadhiciyaan inay u codeeyaan sharcigan cusub.

Laba xubnood oo saameyn ku leh xisbiga Jmahuuriga oo kala ah Fred Upton iyo Billy Lond ayaa arbacadii sheegay inay taageerayaan sharcigan, kadib markii ay wada-xaajood ka sameeyeen isbeddelo lagu sameeyo xeerka.

Isbeddelada ayaa dhigaya in lacag 8 bilyan oo dollar ah loo qorsheeyo muddo 5 sano ah in lagu caawiyo dadka xaaladaha caafimaad ee liita qaba, kuwaas oo aan awoodin inay iibsadaan caymis caafimaad.

XS
SM
MD
LG