Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caruurta Nafqaddarrada Hayso ee Somalia oo Kordhay


Unicef Logo
Unicef Logo

Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in la filayo in 50% ay kor u kacaan carruurta Soomaalida ee ay hayso nafaqaddarada sanandkan.

Hay’addu waxay sheegtay in tan iyo bilowgii sanandkan ay gargaar u fidisay 56 kun oo aha carruur nafaqadarro hayso taasi oo 90% ka badan tiradii sanandki hore.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedkan, sare u kaca caruurtaasi ay nafaqo darradu hayso ayay sheegeen inuu gaadhay 1.4 million, kuwaasi oo ay ka mid yihiin 275 kun oo hadda qaba ama sanadkan ay haleeli doonto nafaqo darro ba’an oo halis galinaysa naftooda.

Warbixintan waxaa soo akhriyey Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Warbixin: Cabdixakiim Shirwac
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00

XS
SM
MD
LG