Isku xirrada

Sarkaal Al-Shabaab ah oo Isu Dhiibay Jubaland


Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa sheegay in maanta uu maamulkooda isu soo dhiibtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in illaa 11 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab inay maamulkooda isu soo dhiibeen illaa bishii April 20-keeda, kuwaas oo dhammaantood ka faa’iidaysanaya cafiskii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in sarkaalka maanta isa soo dhiibay lagu magacaabo Cabdikariim Sheekh Xasan, islamarkaana uu dhinaca caafimaadka gobolka Gedo u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu khadka telefoonka ugu waramay wasiirku.

XS
SM
MD
LG