Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo Faahfaahisay Shirka London


Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendayaasha looga hadli doono shirka toddobaadka dambe ka furmaya magaalada London ee ay yeelanayaan beesha caalamka iyo Soomaaliya.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir horudhac u ah shirkaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo wakiilo ka socday beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Caynte oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqabaada shirkaas ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka London looga hadli doono afar ajende, ayada oo dowladduna ay la tagi doonto qorsheyaal diyaarsan.

Faahfaahintan waxaa Muqdisho nooga soo diray weriyaheena Axmed Xasan Colaad.

Warbixin: Axmed Xasan Colaad
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:06 0:00

XS
SM
MD
LG