Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Dib ugu soo Laabatay Qeybo ka Mid ah Mosul


Dagaalyahanada Daacish
Dagaalyahanada Daacish

Qarax baabuur oo ka dhacay bariga magaalada Mosul ee dalka Ciraq ayaa xaqiijiyey cabsidii ay taxliiliyayaasha siyaasadeed ka qabeen in howlgalka ka dhanka ah kooxdan uu gaarsiiyey guul-darro milatari balse aanu u geysan dib u dhac siyaasadeed.

In ka badan 190 maalmood kadib markii ciidamada Mareykanka uu taageero ee ciraq ay billaabeen howlgalka Daacish looga saarayo magaalada, ayaa mintidiinta waxa ay weli ku sugan yihiin qeybo ka mid ah galbeedka magaalada.

Waxay sidoo kale bishii tagtay qarax baabuur ka fuliyeen degmada Zuhur ee bariga Mosul, kaasi oo afar qof ay ku dhinteen, 14 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qeybo ka mid ah magaalada ayaan sidoo kale weli laga sifeyn dagaalyahanada kooxda Daacish.

Degmada Zuhur ayaa loo haystay in laga sifeeyey kooxda Daacish, markii xukuumadda Baghdad ay bishii Janaayo ku dhawaaqday in bariga Mosul “si buxuda loo xoreeyey”, hase yeeshee qarax bombaano ayaa muujiyey in unugyo ka mid ah Daacish ay weli ka howl-galaan bariga magaalada, halka ay si buuxda u joogaan Galbeedka.

XS
SM
MD
LG