Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin Gaar ah: Xoriyadda Hadalka Soomaaliya


somalia map
somalia map

Dhawaan ayey dowladda Somalia Sheegtay inay diyaar u tahay in xeerka saxaafadda uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan yihiin oo dib u eegis lagu sameynayo.

Waxana ay tani imaaneysaa iyadoo, Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ku liita xurriyadda hadalka, meelo kala gaddisan oo waddanka ahna horey dad loogu dilay sababo la xiriira hadalo ay jeediyeen.

Waxaa sidoo kale jira suxufiyiin u xiran afkaaro ay muujiyeen.

Hay'adaha u dooda xurriyadda hadalka iyo saxaafadda, ayaa ku doodaya in loo baahan yahay wacyi galin bulsheed si dadku ay u fahmaan xurriyadda hadalka.

Warbixin arrimahaasi ku saabsan waxa inoo haya Jamaal Axmed Cismaan.

Warbixin: Jamaal Axmed Cusmaan
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:37 0:00

XS
SM
MD
LG