Isku xirrada

Hiiraan: Al-Shabaab oo Xukuno Dil ah Fuliyey


Shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaa maanta xukuno dil toogasho iyo dhagax ku dilid ku fuliyay laba dhallinyaro ah oo ku eedeysnaa falal isugu jira dil iyo kufsi.

Fagaare weyn oo ku yaalla degaanka Buq-aqable oo ilaa 40 KM dhinaca galbeed ka xiga degmada Buuloburte ayaa saacadahii hore ee maanta oo Isniin ah lagu dilay Axmed Ibraahim Raagoow oo 29 jir ah iyo Yuusuf Cali Bajiin oo isna 22 jir ahaa kadib markii lagu eedeeyay in ay galbeedka Baledweyne ku kufsadeen haweyney dhowr iyo labaatan jir ah.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay haweeneyda xoog uga kaxeysteen gurigeedka, ayaga oo sidoo kale toogasho ku dilay wiil la dhashay oo lagu magacaabi jiray Aadan Muqtaar oo gurmad u sameyay.

Al-Shabaab waxey sheegtay in labada nin ay ka qabteen deegaan lagu magacaabo baar oo duleedka Baledweyne ah iyagoo cadaalad ka baxsanaya.

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah madaxda kooxda ugu magacaban Hiiraan.

XS
SM
MD
LG