Isku xirrada

Trump oo Martiqaaday Madaxweynaha Philippine


Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa martiqaad u fidiyey madaxweynaha dalka Philipline Rodrigo Duterte, si ay uga wada hadlaan arrino kala duwan oo ay ka mid tahay halista Kuuriyada Woqooyi ay ku hayso ammaanka gobolkaas.

Ka dib markii labada madaxweyne ay khadka telefoonka ku wada hadleen maalinimadii sabtida, ayaa war ka soo baxay aqalka cad ee dalka Maraykanka lagu sheegay in wadahadalka dhex maray labada hoggaamiye inuu ahaa mid saaxiibtinimo, oo labada hoggaamiye kaga wada xaajoodeen walaaca soo kordhaya ee ku aaddan ammaanka gobolka Koonfur Bari Asia.

XS
SM
MD
LG