Isku xirrada

Maxkamad Amartay in la Xiro Agaasimihii Warfaafinta Soomaaliya


Jidadka Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banadir ayaa soo saartay amar lagu soo xidhayo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo xubin kale oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda oo lagu magacaabo Xasan Samatar Cali.

Qoraalka ka soo baxay maxkamadda oo lagu socodsiiyey Taliska booliska ee gobolka Banadir isla markaana ogaysiin la siiyey xeer ilaalinta, ayaan wax faahfaahin ah lagaga bixinin eedaha loosoo jeedinayo agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta.

Ilo ku lagu kalsoonaan karo ayaa VOA u xaqiijiyey jiritaanka waraaqdan hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan lama bixinin.

Bilawgii bishan April ayay ahayd markii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmana Cumar CusmaanYariisow uu shaqada si ku meelgaadh ah uga joojiyey Agaasimaha Cabdirisaaq Bahlawi.

XS
SM
MD
LG