Isku xirrada

Roobab ka Da'ay Qeybo ka Mid ah Soomaaliya


Roobab ayaa laga soo sheegayaa inay ka da’een deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Roobabka ugu culus waxay ka da’een magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe, kuwaasi oo dadku ay aad usoo dhoweeyeen xilli ay abaaro iyo biyo la’aani ka jiraan dalka.

Magaalada Muqdisho, labo caruur ah ayaa ku geeriyootay roobabka xalay illaa iyo saakey ka da’ayey kadib markii ay xaley biyahu ugu galeen gurigii ay ka degenaayeen degmada Yaaqshiid, islamarkaana uu gurigu dumay, sida ay mas’uuliyintu sheegeen.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir Cusmaan Cali
Caddaawe ayaa VOA u sheegay in caruurta geeriyooday oo ahaa walaallo ay da’doodu u dhaxeysayshan sano iyo lix sano jir ayna ka soo jeedaan qoys danyar ah oo deganaa xaafadaha isku raranta ah ee degmada ka tirsan.

Roobabka ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay qoysaska barakacayaashaee ku noolgudaha iyoduleedka magalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG