Isku xirrada

Ciidamada Kenya iyo Ethiopia oo Xadgudubyo Lagu Eedeeyey


Warbixin ay qortay qeybta ilaalinta rayidka ee hay'adaha gargaarka ee ka hawlaga Soomaaliya ayaa ku eedeenaysa ciidamada Kenya iyo Itoobiya iyo kuwa AMISOM in hawklgalladooda Soomaaliya ay xadgudub ku yihiin mabaadi’da bani'aadannimada.

Waxa ay sheegeen in ficiladooda ay sii xumeeyeen xaaladda bani'aadminnimo ee ka jirta gobollada ay abaaruhu saameeyeen.

Warbixintan oo ay xaqiijiyene saddex xubnood oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani'aadminnimadaa lana qoray labadii toddobaad ee u dambaysay waxay ku eedaysay ciidamada Itoobiya iyo Kenya gaar ahana inay abaabuleen ciidamo aan ka mid ahayn AMISOM kuwaasi oo xadgudubyo u gaystay dadka xoolalyda rayidka ee ku nool dhulka Soomaaliya ee u dhow xuduudahooda.

Warbixintan waxaa inoo haya Haaruun Macruuf.

XS
SM
MD
LG