Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga Difaaca BF oo Diiday Qorshaha Dhismaha Ciidanka


Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa qoraal ay maanta soo saareen oo ay u gudbiyeen guddoonka baarlamanka ku sheegay in kadib markii ay darseen go’aanadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen shirkii Muqdisho ka dhacay 15 illaa 16-kii April ay usoo baxday in qaabka ciidanka loo dhisayo uu yahay, sida ay hadalka u dhigeen, mid lagu wiiqayo awooddii ciidanka xoogga dalka, islamarkaana si ula kac ah awoodihii dawladda dhexe loo weecinayo dawlad goboleedyada dalka ka jira, sida ay yiraahdeen.

“Tani waxay keeni karta in meesha laga saaro ciidamadii qaranka ee dawladda dhexe maamulkeeda dastuurka dalku siinayay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo ay sheegeen in qorshaha dib u qaabaynta cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay ajendayaasha shirweynaha Soomaaliya ee London ka dhacaya 11 May 2017, waxayna ka digeen in haddii sida loo qoray qorshahan loo qaato ay halis ku noqon karto helista ciidan summad qaran leh oo midaysan, ayna adkaan doonto in dib loo dhiso.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu qaybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaranka, ciidamada qarankana loo ekeysiinayo ciidamo qabiil oo xuduudaha dawlad goboleedyadooda waajibkoodu ku eg yahay, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale guddiga ayaa ku dooday in qodobka 54-aad ee dastuurka ee qeexaya kala qeybinta awoodaha, gaar ahaan xarafkiisa (B) uu caddaynayo in difaaca qaranku uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dawladda federaalka ah oo aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dawladda Federaalka ah iyo dawlad goboleedyada.

Guddiga ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka iyo dowlad gobleedyada ay isku raaceen ee loogu magac-daray “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay Dastuurka.

Waxa ay sidoo kale ku doodeen in In qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u muuqdo mid meelo kale laga soo minguuriyey, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay soo jeediyeen In hanaanka dib-u-qaabaynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gaashaandhigga iyo talisyada ciidan ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabaynta ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hogaamiyayaasha siyaasadda ee dowladda iyo madax maamul goboleedyada ay faraha kala baxaan.

XS
SM
MD
LG