Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin Gaar ah: Ammaanka Garoomada Diyaaradaha


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

Sanad iyo saddex bilood ayaa laga joogaa markii kombiyuutarka la qaadan karo ama laptop qarax lagu soo xiray lala galay diyaaradda Daallo Airlines, waxaana ninkii watay uu qarxiyey daqiiqado kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha Mudisho xilli ay kormaraysay magaalada Balcad.

Weerarkaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen ururka Al-Shabab ayaa noqday mid ay sannad kadib cuskadaan dawladaha Marayakanka iyo Britain oo dhowaan mamnuucay kombiyuutarrada laptop-ka iyo qalabka kale ee korontada ku shaqeeya ee waaweyn ee lala raaco diyaaradaha ka yimaada waddamada Bariga Dhexe qaarkood, iyaga oo ku adkkastay in qalabkaasi xammuul ahaan loo raro.

Haddaba su’aalaha la iska weydiin karo weerarkaasi ayaa ah maxay ka baraty dawladda Soomaaliya? tallaabo noocee ah ayey qaadday? Maxaa ku dhacay dadkii ka dambeeyey weerarkaasi? Ma jiraan shakiyo aan weli la xallin? Iyo kuwo kale. Warbixintan waxaa noo diyaariyey Haaruun Macruuf.

Warbixin: Ammaanka garoomada diyaaradaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:53 0:00

XS
SM
MD
LG