Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Wasiirkii Gaashaandhigga oo Is-casilay


Xerada la weeraray
Xerada la weeraray

Wasiirkii gaashaandhigga iyo madaxii ciidamada Afghanistan ayaa labadaba is-casilay kadib weerarkii dhimashada lahaa ee Jimcihii lagu qaaday saldhig ciidan, kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 140 askari, tiro kale oo badanna lagu dhaawacay.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo lala beegsaday qeybta 209-aad ee Shaheen ee ciidamada Afghanistan, kana dhacay magaalada waqooyi ee Mazar-e-Sharif.

Hadal kooban oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweyne Ahsraf Ghani ayaa lagu yiri “Wasiirka gaashaandhigga Abdullahi Habibi iyo madaxii ciidamada Qadam Shah Shahim ayaa si deg deg ah isku casilay, madaxweynuhuna wuxuu aqbalay is-casilaadooda”.

Saraakiisha Afghanistan iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in koox ka kooban toban qof oo si xooggan u hubeysan, qaarkoodna is-miidaamiyeyayaal yihiin ay fuliyeen xasuuqii dhacay jimcihii, markaasi oo ay beegsadeen boqolaal ciidan oo ka baxayey salaad ay ku tukanayeen masjid ku dhex yaalla xerada ciidan.

Mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa illaa iyo hadda diidan inay xaqiijiyaan tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

XS
SM
MD
LG