Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sagaal Ciidanka Puntland Katirsan oo Qarax ku Dhintey


Degmada Galgala
Degmada Galgala

Wararaka ka imanaya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in ay sagaal askeri ku dhinteen qarax miino oo maanta ka dhacay waddo ku taalla buuralayda Galgala.


Warar aanu ka helnay dhinaca saraakiisha ciidamada ayaa VOA u xaqiijiyey dhimashada sagaalka askeri. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay waddada dhinaceeda, waxaana la sheegay inay u egtahay in uu ahaa mid laga hagayey mele fog.

Ugu yaraan shan askari oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarka, waana mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee lala eegto ciidamada maamulka intii ay hawlgalladu ka socdeen buuraha Galgala.

Dhinaca kalena qarax ayaa goor dhowayd ka dhacay xaafadda Wadajir ee magaalada Muqdishu. Qaraxa ayaan weli caddayn khasaaraha ka dhashay.

Dhageyso Qaraxa Ciidanka Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:23 0:00

XS
SM
MD
LG