Isku xirrada

War Deg-Deg ah

140 Ruux oo Lagu Dilay Afghanstan


Ciidamada Afghanstan oo ilaala ka haya afaafka xerada la weeraray ee magaalada Mazar-i-ShariApril 21, 2017.
Ciidamada Afghanstan oo ilaala ka haya afaafka xerada la weeraray ee magaalada Mazar-i-ShariApril 21, 2017.

Ugu yaraan 140 ruux ayaa geeriyootay kadib marki ay kooxda Taliban Jimcihii weerartay saldhig milatari oo ay leeyihiin ciidamada Dowlada Afganstan oo ku taalla waqooyiga dalkaasi.

Weerarkaan wuxuu ahaa kii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadki 2001.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaa iyo 10 maleeshiyo oo watay baabuur miineysan oo loo soo ekeysiiyay kuwa milatariga ay isku qarxiyeen xerada milatariga Shaheen ee ku yaala magaalada Mazar-i-Sharif, oo ah caasimadda gobolka Balkh ee waqooyiga dalka Afhganstan.

Telefishin maxalli ah ayaa kasoo xigtay saraakiil ka tirsan Dowlada oo diiday in magacooda la carrabaabo in weerarkaasi uu gallaaftay nolosha 140 askari, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 kale oo ka tirsan ciidanka milatariga.

Sida ay sheegeen saraakiisha, ciidamada qaar ayaa la laayey xilli ay kasoo baxayeen masaajidka, halka kuwo kalana ay ku sugnaayeen goob laga cunteeyo oo ku dhextaalla xerada.

Ciidamada kumaandooska oo goobta tagay ayaa soo afjaray weerarka kadib dagaal qaraar oo goobta ku dhexmaray iyaga iyo maleeshiyada weerarka soo qaaday.

Afhayeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Zabihullah Mujahid, ayaa sheegtay in ay iyaga ka danbeeyeen weerarka.

XS
SM
MD
LG