Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buula-Barde: Ruuxii Diley Askarigii Jabuutiyaanka oo Isna La Diley


Taliyaha Ciidamada dowladda ee degmada Buula Barde ayaa VOA u xaqiijiyay in howlgal ay galabta ciidanka sameeyeen ay ku dileen ninkii dilka u geystay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ka socday dalka Jabuuti.

Dilkan ayaa Arbacadii ka dhacaya magaalada Buulo Barde.

Wararka ayaa sheegay in ciidamadu ay ninkaasi ku dileen degaan lagu magacaabo Jameeco Shiin oo bari ka xigta magaalada Buulo Barde.

Taliye Cabdullaahi Barre ayaa sheegay in magaalada Buula Barde ay soo gaar-siiyeen meydka gacan ku dhiig-laha iyo qori uu ka qaatay markii uu dilay askariga u dhashay Jabuuti.

Dilka askariga AMISOM ayaa xiisad ka dhaliyay magaalada Buula Barde iyadoo qaboojin teedana ay u tageen goobtaasi masuuliynta ugu sarreysa maamulka Hirshabelle.

XS
SM
MD
LG