Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qoryooley: 6 Qof oo ku Dhaawacmay Qarax


Qarax
Qarax

Wararka ka imanaya magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo rayid ah ay dhawacyo cuslus soo gaareen kadib qarax ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada.

Qaraxa ayaa loo malaynayaa in hore loogu sii duugay dhabarka maqaayada, waxaana uu dhacay xilli ay dad ku cunteynayeen maqaayadda.

Cali Maxamed Aadan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee degmadaasi Qoryooley oo sheegay inuu goob joog u ahaa goobta qaraxa uu ka dhacayey ayaa sheegay inay qabteen ilaa iyo 7 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxan.

Sahra Cabdi Axmed oo uu u waramay ayaa ugu horeyntii waydiisey inuu sharaxo sida ay wax u dhaceen.

Qarax ka dhacay Qoryooley
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:51 0:00

XS
SM
MD
LG