Isku xirrada

Hiiraan: Xiisad ka Dhalatay Askari laga Dilay Amisom


Xiisad ka dhalatay dil loo geystay shalay askari ka tirsan ciidanka Amisom qeybta Jabuuti ayaa si loo qaboojiyo waxaa magaaladasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Mas’uuliyiintan gaaray magaalada Buloburte oo uu ku jiro Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa kulamo waxay la qaateen Madaxda Ciidanka Amisom oo ku tuhmaya dilka Askariga reer Jabuuti Askari kaleoo Ciidamada Dowladda Federalka Somalia ka tirsan, sida ay VOA u sheegeen Ilo degaanka ah.

Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Amisom ayaa waxaa ay ka howlgalaan magaaloyinka Baledweyne, Buloburte iyo Jalalaqsi oo dhamaantood Gobalka Hiiraan ka tirsan.

Ma jiraan ilaa iyo xiligan wax war ah oo ka soo baxay kulamada ay wada qaateen Saariikiisha Amisom iyo Maamulka Hirshabelle.

Xaalada Magaalada Buuloburte ayaa xiligan dagan marka loo eego sidii ay shalay aheed

XS
SM
MD
LG