Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo Cambaareysay Digniinta Al-Shabab


golaha wasiirada
golaha wasiirada

Dowladda Somalia ayaa cambaareysay digniin uu soo saaray ururka Al-Shabab oo uga digaya waalidiinta Soomaalida in ay carruurta u diraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.

Digniinta Al-Shabab ayaa waxaa jeediyay afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage oo soo duubay cod 26 daqiiqo.

Codka Cali dheere oo lagu baahiyay baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa ku sheegay in carruurtu ay aadi karaan oo kaliya Iskuulada Islaamiga ah, isagoo sheegay in kuwa kale aysan wanaagsaneyn.

Waxa uu uga digay jaamacadaha iyo iskuulada iyo cid kasta oo gacan ka geysata ka qeyb qaadashada manhaj faafinaya sida uu hadalka u dhigay dhaqanka reer galbeedka inay cawaaqib ka kulmi doonto.

Wasiirka warfaafinta dowladda Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan ayaa sheegay in talaabada Al-Shabab ay muujineyso mas’uuliyad darada madaxdooda iyo sida ay uga soo horjeedaan jiritaanka dadka Soomaaliyeed.

Eng: Yariisow ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii shalay loo geystay xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha xilli ay marayeen dulleedka Muqdisho.

XS
SM
MD
LG