Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ka Tirsan Amisom oo Lagu Dilay Buuloburte


Amisom
Amisom

Askari ka tirsan ciidamada Amisom ee qeybta Jabuuti ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay magaalada Buuloburte ee gobalka Hiiraan.

Sida ay VOA u xaqiijiyeen dad deegaanka ku sugan, askariga oo ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada ayaa waxaa si gaadmo ah ku toogtay rag sida la tilmaamay bistoolado ku hubeysnaa.

Howlgal ay ciidamadao ka sameyeen goobta ay toogashadu ka dhacay ayey ku soo qabteen dad ka ag dhowaa halka lagu dilay askariga Amisom.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Djibouti ayaa xaqiijiyay dhimashada askarigan, iyagoo sheegay in la soo qabtay nin hubeysan oo loo maleynayo inuu ka mid ahaa kuwa dilka geystay.

Maamulka Degmada Buloburte Saraakiisha Ciidamada Amisom oo ku jiro, Col. Maxamed Cilmi Habane Taliyaha Ciidamada Amisom Qeybta 4aad, ahna Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan oo ay VOA-du la hadashay ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan ama beeniyaan dhimashada askarigan.

XS
SM
MD
LG