Isku xirrada

Gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Qaran, maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka socday Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho.

Gaadiidkan ayaa Marayay Agagaarka Sarkuusta ee Duleedka Magaalada Muqdisho markii weerarka loo geysanayay.

Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, hase yeeshee waxaa ku burburay mid ka mid ah baabuurtii lala eegtay, sida uu VOA u sheegay Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa waftigii qarax lala eegtay.

Wariyeheenna Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste ayaa faahfaahinta warkan inoo haya.

XS
SM
MD
LG