Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Carruur Lagu Dilay Weerar Hoobiye


Weerar Hoobiye
Weerar Hoobiye

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen 8 kalena ay ku dhaawacmeen weerar kale oo hoobiye ah oo ka dhacay Muqdisho.

Hoobiyayaashan ayaa ku dhacay xaafadda Hawlwadaag, waxaana dadka deegaanka ay VOA u sheegeen in dadka dhintay ay dhammaantood carruur yihiin, halka kuwa ku dhaawacmay ay ku jiraan dad waaweyn oo wada rayid ah.

Ilaa hadda cidi ma sheegan weerarkan hase yeeshee ururka Al-Shabab ayaa mar kasta dhabarka u rita mas’uuliyadda weeraradan oo kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maalintii Axaddii ayaa ciidanka dawladda ay guul kasoo hooyeen hawlgal ay ku qaadeen koox hoobiyayaal ka tuurayey xaafadda Wadajir, waxayna toogasho ku dileen laba mintidiin ah iyaga oo qabtay hub ay ku jiraan hoobiyayaal.

XS
SM
MD
LG