Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo Toogtay 2 Nin


Ciidamada
Ciidamada

Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa toogtay oo dilay laba nin oo lagu tuhunsan yahay inay hoobiye ka tuurayeen degaanka Danwadaagaha ee xaafadda Wadajir ee Muqdishu.

Labadan nin ee la toogtay ayaa ka mid ahaa maleeshiyada ururka Al-Shabab sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dawladda.

Wasiirka Amniga ee dawladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo goobta booqday ayaa sheegay in ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ay ka hortageen raggaasi xilli ay hoobiyayaal tuureen.

Ciidamada amniga ayaa soo bandhigay maydka labadaais nin iyo hub laga helay baabuurka ay wateen oo goor dambe ku qarxay goob cidlo ah.

Mid ka mid ah dadka la toogtay ayaa ciidamada amnigu sheegeen inuu ku lug lahaa toogashadiisii bishii hore loo gaystay Xoghayihii degamada Wadajir Cabdiraxmana Sheekh Axmed iyo laba ka tirsan ilaaliadiisa.

Dhinaca kalena qarax ayaa laga soo sheegayaa duleedka Muqdishu kaasi oo ku qarxay baabuur sidday gargaar cunto. Khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaan wlei sugnayn.

XS
SM
MD
LG