Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aftida Dastuurka Turkiga


Dalka Turkiga waxaa berrito ka dhici doona afti loo qaadayo isbeddel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi si awood balaaran loo siiyo madaxweynaha, lagana gudbo awoodda nidaamka baaarlamaanka ee hadda jirta. Dadka Turkiga ayaa u muuqda ku kala qeybsan talaabadan, laakiin madaxweynaha Turkiga ayaa maanta dadka Turkey u sheegay in loo baahan yahay awood ballaaran oo madaxweynaha la siiyo si loog hortgo caqabadaha dalkan ku so wajahan.

“Walaalyaal aftidan ma ahan afti caadi ah, waa waqti muhiim ah, waxaanu sameyneynaa isbadal aad muhiim u ah. Calankeena cidna ma wasakheyn karto" Sidaas waxaa yiri madaxweyne Erdogan.

Haddaba waxaa laga filayo aftida berrito dhici doonta ayaa Nuur Bukhaari uu weydiiyay Bashiir Macalin Khaliif, oo ah saxafi madaxbannaan oo Turkiga ku sugan.

Aftida Turkey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:24 0:00

XS
SM
MD
LG