Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Bamkii ugu Weynaa ku Dhuftay Afghanistan


Diyaarad dagaal oo Mareykanka uu leeyahay ayaa bamkii ugu weynaa hubka Mareykanka – oo culeeskiisu yahay 10,000 oo KG, loona yaqaan hooyada bambooyinka – ku riday dhisme dhulka hoostiisa ku yaalla oo kooxda Daacish ay ku leedahay gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan.

Wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in bamkaas lagu dilay 36 ka mid ah dagaalyahanada kooxda Daacish, laguna burburiyey hub badan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaaray weerarkan.

War kale oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ku dhacay wadashaqeynta ciidamada amniga iyo difaaca Afghanistan.

Bamkan oo la sameeyey in ka badan 10 sano ka hor ayaan marnaba loo isticmqalin dagaal hadda ka hor, waana bamka ugu weyn kuwa aan nuclear-ka ahayn ee Mareykanka uu haysto.

XS
SM
MD
LG