Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Lagu Tuhmayey Qaraxyadii Dortmund oo Caddeymo Lagu Waayey


Dacwad oogayaasha dalka Jarmalka ayaa sheegay in baarayaasha aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in nin loo xiray qarax lala eegtay baska kooxda Borussia Dortmund uu ka qeyb galay weerarkaas.

Hase yeeshee bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay weli raadinayaan inay helaan ruqsad ay ku xiraan ninkan lagu magacaabo Abdul Beset A, oo ay tuhmayaan inuu xubin ka yahay kooxda Daacish.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ninkan oo u dhashay dalka Ciraq uu hoggaamiye u ahaa koox ka kooban 10 mintidiin ah oo ku lug lahaa afduubyo iyo dilal ka dhacay dalkiisa, ka hor inta uusan sanadii 2015 usoo gudbin dalka Turkiga, halkaasi oo uu kasii galay Jarmalka.

Dhowrkii qarax ee talaaddii dhacay ayaa waxax lala helay bas siday kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund, waxaana ku dhaawacmay cayaaryahan Marc Bartra iyo nin booliis ah.

Kulankii kubadda cagta ee habeenkaas la hakiyey ayaa waxaa dib loo cayaaray habeenkii arbacada, waxaana 3-2 ku adkaatay kooxda Monaco oo marti ahayd.

XS
SM
MD
LG