Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warqad la Xiriirta Soomaaliya oo loo Diray Trump


Sen. Amy Klobuchar, D-Minn
Sen. Amy Klobuchar, D-Minn

Qaar ka mid ah xubnaha congress-ka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa warqad ay u direen madaxweyne Donald Trump ku sheegay inay ka walaacsan yihiin miisaaniyad dhimista wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adda USAID, oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelan karto Soomaaliya.

Senator Amy Klobuchar iyo wakiil Tom Emmer ayaa sheegay in lacagta 17.3 bilyan oo dollar ah ama 31% ee la doonayo in laga jaro miisaaniyadda waaxda arrimaha dibedda iyo USAID ay imaneyso xilli laga cabsi qabo in muusiibo macluul ay ka dhacdo Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in macluushii ka dhacday Soomaaliya 2011 ay ku dhinteen 260,000 oo qof, islamarkaana qaar badan oo ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ay ku waayeen dad ay jeclaayeen.

“Waxaan la wadaagnaa walaacooda, waxaana si xooggan kuugu boorineynaa inaad ka fakarto saameynta ay dhimsita miisaaniyadda arrimaha caalamiga ah ku yeelan karto awoodda Mareykanka uu u leeyahay inuu caawiyo dalalka Soomaaliya oo kale ah, si looga jawaabo xasaradaha bani aadannimada iyo halisaha amniga” ayay Amy Klobuchar iyo Tom Emmer ku yiraahdeen warqaddii ay u direen madaxweyne Trump.

Waxa ay sheegeen in xasilooni waarta iyo nabad-galyo aysan ku iman oo kaliya tallaabo milatari, islamarkaana shaqada wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay’adda USAID ay muhiim u yihiin in wasaaradda gaashaandhigga ay dhisto xulufo muhiim ah u ah Mareykanka.

XS
SM
MD
LG