Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaale Gargaar oo Lagu Afduubtay Gedo


Gedo, Somalia
Gedo, Somalia

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weli gacanta ku hayeen afar qof oo shaqaale gargaar ah oo ka shaqaynayey wacyigelinta caafimaadka.

Afartaas qof iyo baabuurkii ay la socdeen ayaa axaddii laga ka xaystay meel u dhow magaalada Luuq oo lagu magacaabo Maganey.

Maamulka ayaa sheegay in dadka la afduubay ay ahaayeen kuwo deganaka ah ee aysan u shaqaynin hay’adda WHO.

Guddoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Xuseen Ganey ayaa VOA u sheegay in dadkan la afduubtay ay yihiin laba qof oo darawallo ah iyo laba qof oo dadka siinayey wacyigelin la xiriirta talaalka cudurka dabeysha.

Maxamed Xuseen waxa uu sheegay in illaa iyo hadda aan la aqoon halka dadkan lagu haysto, isaga oo sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ee afduubtay ay marba geynayaan goob cusub.

Maxamed Xuseen Ganey ayaa u warramay weriyaheena Sahra Ciidle Nuur.

Shaqaale gargaar oo lagu afduubtay Gedo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00

XS
SM
MD
LG