Isku xirrada

Laba sano ayaa kasoo wareegtay weerarkii 2-dii bishii Abriil sanandkii 2015-ka lagu qaaday Jaamacadda Garissa University College ee magaalada Gaarisa, Waqooyi Bari Kenya, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 148 qof oo u badan ardaydii jaamacaddaasi dhigaanaysay. Bishii Jannaayo ee sannadkii hore ayaa dib loo furay jaamacadda, ilaa haatana waxay ku jirtaa dib usoo kabashadii. Haddaba xaaladda Jaamacadda sannad-guuradaas kadib ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Axmed Cusmaan Warfaa.

XS
SM
MD
LG