Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Diyaarado Dagaal ka Iibinaya Bahrain


F-16
F-16

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa arbacadii ku wargeliyey congress-ka inuu qorsheynayo inuu ku dhaqaaqo diyaarado dagaal oo laga iibinayo dalka Bahrain, taasi oo sanadii tagtay lagu hakiyey walaacyo ku saabsan xuquuqda aadanaha.

Heshiiskan ayaa Bahrain u ogolaanaya inay 19 diyaaradaha F-16 uga iibsato shirkadda Lockheed Martin, waxaana ku kacaya lacag ka badan afar bilyan oo dollar.

Go’aanka maamulka Trump, ayaa billaabi doona hanaan dib u eegis oo sharci-dejiyayaasha ay ku dalban doonaan akhbaaraad dheeri ah ama ay shaaca uga qaadi karaan walaaca ay arrintan ka qabaan.

Xisbiga madaxweyne Trump ee Jamhuuriga ayaa xukuma labada aqal ee congress-ka Mareykanka.

Maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa horey u joojiyey in diyaaradahan laga iibiyo Bahrain, isaga oo sheegay in Bahrain looga baahan yahay marka hore inay xaliso walaacyada laga qabo xuquuqda aadanaha dalkaas, sida kooxaha mucaaradka oo xabsiyada lagu guro.

Guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee senate-ka Bob Corker ayaa sheegay in shuruudihii Obama ay ahaayeen “kuwa aan caadi ahayn, oo aan wax ku ool ahayn” wuxuuna amaanay go’aanka diyaaradaha looga iibinayo Bahrain.

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa kasoo horjeeda iibkan, ayada oo Bahrain ku eedeysay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

XS
SM
MD
LG