Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo Soo Geba-gebeysay Howlgalkii Syria


Turkey ayaa ku dhowaaqday inay soo geba-gebeysay howlgalkeedii toddobada bil ka socday waqooyiga dalka Syria, ee mintidiinta Daacish iyo dagaalyahanada Kurdish-ka looga sifeynayey gobolka ku teedsan xadka.

Ma cadda heerka uu la eg yahay isbeddelka howlgalka milatari ee Turkiga ee waqooyiga Syria, halkaasi oo dowladda Syria, Daacish iyo dagaalyahanada Kurdish-ka ay ku loolamayana gacan ku heynteeda.

“Howlgalkii Gabbaadka Furat waxa uu ahaa mid guuleystay, waana lasoo geba gebeeyey. Howl-gal kasta oo midkan ku xiga waxa uu yeelan doonaa magac kale” waxaa sidaasi taleefishinka NTV u sheegay ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Howlgalka ayaa billowday bishii August ee sanadkii tagay, ayada oo ciidamada Turkiga iyo mucaaradka Syria ee Turkiga ay taageeraan ay diiradda ku saarayeen magaalada Jarablus ee kooxda Daacish ay haysatay.

Kooxda Daacish ayaa maamuleysay dhul 40 KM ah oo ku teedsan xuduudda Turkiga, hase yeeshee waa laga saaray dhammana dhulkaas.

XS
SM
MD
LG