Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Jaamacadda Carabta oo ka Furmay Camaan


Madaxda Carabta
Madaxda Carabta

Madaxda wadamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta oo ay Somalia iyo Djibouti ku jiraan, ayaa kullankooda 28-aad ee madaxda ururkaas sanadkan ku leh magaalada Camaan ee dalka Jordan.

Kullan oo maanta furmay ayaa waxaa madaxdu ay ku billaabeen baaq ku aadan difaaca dhulka ay Israel heysato ee Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeybgalaya shirka ayaa la wadaagay madaxda ka qeybgalaysa shirka horumarka ka jira dalka iyo fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dunida Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, jahwareer siyaasadeed iyo dhibaato dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay madaxda Carbeed in ay u midoobaan sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Ibrahim Xassan Dandurey ayaa shirkan ka wareystay, waryeheenna Xuseen Cusman Xuseen oo ku suggan magaalada qaahira, oo uu ugu horeyn weydiiyay Shirka iyo ajendayaasha looga hadlayo.

Shirka Jaamacadda Carabta oo furmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:13 0:00

XS
SM
MD
LG