Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Soomaaliya oo Ansixiyey Xukuumadda


Wasiirada cusub
Wasiirada cusub

Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

224 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka ayaa ogolaaday xukuumadda, waxaana diiday 15 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 xildhibaan.

Kulanka ayaa waxaa guud ahaan fadhiyey 241 xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Khudbad uu u jeeediyey xildhibaanada ka hor inta aan la ansixin xukuumadda, ayuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku sheegay in xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siin doonto sugidda amniga.

“Amni la’aantiisa nolol ma jirto” ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Waxa uu sidoo kale sheegay in howsha ugu horreysa ee iminka hortaalla xukuumadda cusub ay tahay in gurmad la gaarsiiyo dadka abaaruhu ay ku saameeyeen gobollo badan oo dalka ka mid ah.

Wasiirada cusub ayaa isla maanta lagu dhaariyey xarunta baarlamanka.

Wariyehenna Xassan kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa warbixitan inoo soo diray.

Wasiirada cusub oo la ansixiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:09 0:00

XS
SM
MD
LG