Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Devin Nunes oo Diiday in uu Is-casilo


Devin Nunes
Devin Nunes

Guddoomiyaha Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka Devin Nunes ayaa isniintii sheegay inaanu qorshaha ugu jirin inuu iska casilo baaritaanka guddiga uu ku hayo faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii madaxtinimo ee 2016.

“Wax walba waa siyaasad, dadka waxay halkan ku sheegaan waxyaabo badan, waana caadi, waa siyaasad” ayuu Nunes u sheegay weriyayaasha daqiiqado un kadib markii ninka ugu sarreeya xubnaha dimoqraadiga ee guddiga ku jira Adam Schiff uu soo saaray bayaan uu ku dalbanayo in Nunes uu is-casilo.

Schiff ayaa sheegay inay adkaan doonto in dadka ay ku kalsoonaadaan baaritaanka, haddii uu Devin Nunes uu qeyb kasii ahaado.

Nunes ayaa aqalka cad kula kulmay qof aan la magacaabin ka hor inta uuusan toddobaadkii tagay shaaca ka qaadin in madaxweyne Donald Trump si aan ku talo-gal ahayn ay xogtiisa u ururisay dowladda.

Xubnaha dimoqraadiga ayaa ku doodaya in maadaama Nunes uu si aad ah ugu dhow yahay madaxweyne Trump uusan daacad ka noqon karin baaritaanka ku saabsan xiriirka suurta galka ah inuu ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka.

XS
SM
MD
LG