Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Dhallinyaro Dil Lagu Xukumay


Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa'im ku riday 7 dhalinyaro ah oo lagu eedanayey in ay ka tirsan yihiin ururkaa Al-Shabaab.

Dadkan ayaa sidoo kale la sheegay in ay geysteen weeraro ka dhacay magaalada Boosaaso oo mas’uuliyiin maamulka Puntland ka tirsanaa lagu dilay.

Toddobadaa dhallinyarada ah ee ay maanta maxkamada sare ee ciidamada Punland xukunada ku riday ayaa hore 13-kii bishii February ee sanadkii 2016-kii ay maxkamaada ciidamada ee shanta gobol dhamaantood dil ku xukuntay.

Si kastaba, xukunkaas ayaa waxa ay ka qaateen racfaan, waxaana maanta maxkamada sare ee ciidamada ay shan ka tirsan dib ugu xukuntay dil, halka labada kalena ay ku xukuntay xabsi daa’in.

Ehelada, qaraabada iyo qareenada dadka la xukumay ayaa xukunadaasi u xqiijiyay VOA.

XS
SM
MD
LG