Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Qof oo la Xiray Kadib Weerarkii London


Booliiska Britain ayaa maanta sheegay inay xireen toddoba qof kadib weerarkii arbacada ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee magaalada London, kaasi oo saddex qof lagu dilay, soona dhammaaday markii sarkaal boolis uu toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday.

Mark Rowley oo ah madaxa qeybta ka hortagga argagixisada ee booliiska London ayaa sheegay in xarigga uu yimid kadib baaritaan lagu sameeyey lix guri, islamarkaana baaritaanada ay weli ka socdaan, London, Birmingham iyo qeybaha kale ee dalka.

Ma uusan sheegin haddii dadka la xiray ay si toos ah ugu lug lahaayeen weerarkii arbacada.

“Waxaan weli rumeysanahay in qofka weerarka geystay uu kaligiis waxan sameeyey, islamarkaana ay dhiiri geliyeen argagixisada caalamiga ah” ayuu Rowley u sheegay weriyayaasha.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay la tahay in magaca qofka weerarka geystay aan la shaacin inta lagu gudo jiro marxaladdan xasaasiga ah.

Baaritaanka ayaa waxaa iminka diiradda lagu saarayaa sababta weerarka, qaabkii loo diyaariyey iyo dadka xiriirka la leh ninka weerarka fuliyey ee dadka ku jiiray buundada Westminster.

XS
SM
MD
LG