Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabsi Laga Qabo Inay Soo Laabtaan Burcad Badeedda


Burcad-badeed ku sugan badweynta
Burcad-badeed ku sugan badweynta

Agaasimayaha hay’adda la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya Prof. Muxiyadiin Cali Yusuf (Farbuur) ayaa sheegay inay jirto cabsi laga qabo in weeraradii burcad badeeda ay soo noqdaan.

Arrinta ayuu sheegay inay ugu wacan tahay kadib markii dhawaan kooxo hubeysani ay xeebaha degmada Caluula ee Puntland ku afduubeen Markab markii dambe lagu qasbay inay sii dayaan.

Sii deysmada markabkaas ayaa ku timid dadaal ay sameeyeen odayaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Muxiyidiin Cali Yuusuf ayaa iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadalkan ka sheegay magaalada boosaaso oo ay u joogaan la socodka xaaladda arrimaha burcad badeedda.

Waxaana uu u waramay wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac.

Cabsi laga qabo burcad badeeda
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG