Isku xirrada

Kulanka QM ee Ardayda Siyaasadda Barata


Jibril Farah

Jibril Farah

In ka badan 1500 oo dhalinyaro ah oo ka kala socday daafaha Caalamka ayaa la isugu keenay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kuwaas oo badankoodu ay yihiin arday jaamacadaha ka barta Siyaasadda iyo Diplomaasiyadda.

Dhalinyaradan ayaa loo qaybiyey kooxo kala duwan, waxaa koox walba la siiyey inay metelaan dal gaar ah, iyaga oo xarunta Qaramada Midoobay ku metelaya inay yihiin Ergo dalkaasi uu soo dirsaday.

Inta kulanka Dhalinyaradani ka socday xarunta Qaramada Midoobay, ayaa loo ogolaa inay doodo yeeshaan, isbahaysiyo sameeyaan isla markaana ka faaloodaan dhibaatooyinka caalamka.

Jibriil Maxamed Faarax waa wiil dhalinyaro ah oo 21 Jir ah, wuxuu ka yimi London wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada kulankaas lagu casumay, Jibriil waxaa loo asteeyey inuu Golaha Qaramada Midoobay ku metelo dalka Spain.

Haddaba Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka Telefoonka ku Waraystay Jibriil Maxamed Faarax.

XS
SM
MD
LG