Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Halkan ka Akhriso Liiska Golaha Wasiirada Cusub


Xasan Kheyre
Xasan Kheyre

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay golaha wasiirada cusub ee xukuumaddiisa, oo muddo laga sugayey.

Golaha wasiirada ayaa waxa ku jira hal ra’iisul wasaare ku xigeen oo loo magacaabay Mahdi Axmed Guuleed (Khadar) 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen, iyo 15 wasiiru dowle.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda, ayada oo wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta laga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Dr. Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda, ayada oo wasiirka gaashaandhiga uu noqonayo Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga gudaha.

Wariyeheenna Axmed Xassan Colaad ayaa warbixintan inooga soo diray.

Golaha wasiirada oo la magacaabay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00

Liiska oo dhameystiran hoos ka aqriso.

XS
SM
MD
LG