Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Madax Booliis Ahaan Jiray oo lagu Dhibay Garoonka JFK


Madaxii hore ee boliiska magaalada Greenville ee gobolka North Carolina, ayaa sheegay “inuu dareemayo baylahnaan oo aanu hubin mustaqbalka dalka mar ahaa dal weyn ee Mareykanka”, kadib markii muddo 90 daqiiqo lagu xiray garoonka diyaaradaha JFK ee magaalada New York.

Hassan Aden ayaa ahaa muwaadin Mareykan ah oo uu noqday isaga oo 10 sano jir ah, waxaana iska dhalay hooyo talyaani ah iyo aabe Soomaali ah.
Waxa uu kasoo laabtay magaalada Paris 13-kii March, waxaana kadib dhinac ula baxay waaxda socdaalka, markii uu kasoo degay garoonka JFK.

Sarkaal ayaa u sheegay in magaciisa uu la mid yahay midka qof lagu daray liiska dadka isha lagu hayo, islamarkaana ay tahay in akhbaartiisa laga hubiyo hay’ado kale ka hor inta aan lasii dayn.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Hassan Aden ku sheegay inuu arkayey baasaboorada 25 qof oo ajaaniib ah oo la hubinayo muddo shan daqiiqo ah ka hor inta aan lasii dayn, waxaana uu sheegay in markii uu ka ashtakooday haysamdiisa loo sheegay inaanu xabisneyn.

“Waxaan ku jiray qol, la iimana ogoleyn taleefon si aan ula xiriiro xaaskeyga iyo qoyskeyga, la iimana ogoleyn inaan kursiga ka kaco, waxayna iga qaadeen baasaboorkeyg” ayuu facebook ku qoray.

Waxa uu sheegay inuu fahamsna yahay “baaritaanka sababta leh” hase yeeshee uu is weydiinayo in “cabsida iyo xabiska” uu yahay howlgalkan cusub ee Waaxda Ilaalada Xuduudaha Mareykana ee CBP.

CBP waxay sheegtay inaysan wax jawab ah ka bixineyn kiisaska shaqsiyeed.

XS
SM
MD
LG