Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Qaraar oo Ka Dhacay Magaalada Dimishiq


Dagaal qaraar ayaa ku dhexmaray magaalad Dimishiq ee caasimada dalka Suuriya, ciidadam Dowlada Suuriya iyo xoogaga mucaaradka Axadi shalay.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki ay maleeshiyaad ka tirsan kooxaha mucaaradka weerar lama filaan ah kusoo qaadeen qeybaha ay Dowlada ku xoogantahay ee magaalada Dimishiq, iyaga oo adeegsaday godad dhulka hoostiisa ah oo ay soo qoteen.

Hey’adda xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay magaalada London ayaa sheegtay in mucaaradka ay weerarkooda ku bilaabeen laba baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo kooxo naftood hurayaal ah.

Waxa kale oo ay kooxdani sheegtay in xoogaga mucaaradka ay qabsadeen dhismooyin ay leedahay dowlada oo ku yaala degmada Jobar ee magaalada Dimishiq.

Ciidamada Dowlada ayaa adeegsaday diyaaradaha dagaalka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay diyaaradaha rideen in ka badan 30 gantaal oo ay ku garaaceen aagaga mucaaradka ay ka dagalaamayaan ee magaalada Dimishiq.

XS
SM
MD
LG