Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: 42 Soomaali ah oo Weerar lagu Dilay


Dad sida meydka qaar ka mid ah Soomaalida
Dad sida meydka qaar ka mid ah Soomaalida

42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay xalay ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.

Dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay u socdeen dalka Sudan, ayaga oo ka baxsanyey dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wakiilo ka socda ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay in qiyaastii 80 qaxooti ah la soo badbaadiyey, islamarkaana loo qaaday magaalada Xudeyda.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka. Isbaheysiga ayaa dhowaanahan duqeymo culus ku waday magaalada Xudeyda, ayaga oo ku eedeeyey mucaaradka shiicada inay hub kasoo geliyaan.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo, islamarkaana Mareykanka uu taageero ayaa duqeymo ka fulinayey dalka Yemen tan iyo sanadii 2015, ayaga oo isku dayaya inay magaalada Sanca ka bixiyaan gacan ku haynta Xuutiyiinta.

Si kastaba mucaaradka shiicada ayaa weli gacanta ku haya Sanca iyo inta badan waqooyiga Yemen. Illaa iyo iminka dagaalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay qiyaastii toban kun oo shacab ah.

XS
SM
MD
LG