Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Beenisay in Syria ay Diyaarad ka soo Riday


Syria ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad dagaal oo ay leedahay Israel, islamarkaana ay gantaal ku dhufatay mid kale.

Israel, ayaa si kastaba, sheegtay in dhammaan diyaaradaheeda ay si nabdoon usoo noqdeen, kadib markii ay duqeymo ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla dalka Syria, subaxnimadii Jimcaha.

Israel ma aysan sheegin waxa ay ahaayeen bartilmaameedyada, hase yeeshee Syria ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay weerareen bartilmaameedyo milatari, meel ku dhow magaalada Palmyra, tallaabadaas oo Syria ay ku qeexday daandaansi lagu caawinayo kooxda Daacish.

Ayada oo ay tahay wax aan looga baran, ayaa ciidamada difaaca Israel ee IDF waxay soo saareen bayaan ay ku qirteen howlgalka.

“Xalay, diyaaradaha dagaalka Israel waxay beegsadeen dhowr bartilmaameed oo ku yaalla Syria” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in habka difaaca gantaalaha Israel uu qabtay dhowr gantaal oo lagu soo riday, islamarkaana diyaradahooda ay soo laabteen ayada oo aysan wax dhibaato ah soo gaarin.

XS
SM
MD
LG