Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Midig-fog oo Looga Adkaaday Doorashadii Holland


Geert Wilders
Geert Wilders

Natiijooyin horudhac ah oo kasoo baxay doorashada dalka Holland, ayaa muujinaya in xisbiga ra’iisul wasaare Mark Rutte uu ku guuleystay kuraasta ugu badan baarlamanka, kana adkaaday xisbiga kasoo horjeeda soo-galootiga iyo islaamka ee uu hogaamiyo Geert Wilders.

Ayada oo inta badan codadka la tiriyey ayaa xisbiga midig dhexe ee Rutte waxaa la filayaa inuu ku guuleysto 32 ka mid ah 150 kursi ee baarlamanka, isaga oo si aad ah uga horeeya dhammaan xisbiyada kale.

Saddex xisbi oo kale ayaa la filayaa inay ku guuleystaan min 19 kursi, waxaana ku jira xisbiga Freedom Party ee Wilders iyo xisbiyada Christian Democrats iyo D66.

Natiijada rasmiga ah ee sida loo kala helay kuraasta baarlamanka ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 21-ka Maarso.

Saraakiisha ayaa sheegay in codadka ay dhiibteen 81 boqolkiiba dadkii sharciga u lahaa inay codeeyaan, taasi oo ahayd tii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

Andre Krouwel oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Free University ee magaalada Amsterdam ayaa sheegaya in dadka tirada badan ee doorashada isugu soo baxay ay muujineyso in muwaadiniinta dalkaas ay u arkeen doorashadan mid aad muhiim u ah.

Axmed Cali Sheekh ayaa dareenka muslimiinta ee ku wajahan doorashadan ka wareystay weriye Cabdullaahi Maxamed Xuseen Taajiroow oo ku sugan magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Doorasho ka dhacday Holland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

XS
SM
MD
LG