Isku xirrada

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa maanta dalka Japan ka bilaabay booqasho saddex dal uu ka marayo, asaga oo isku dayaya inuu xulufada Mareykanka u xaqiijiyo habab looga hortagi karo halista nuclear iyo mid gantaalo ee ka imaneysa Korea-da Waqooyi.

Tillerson ayaa la kulmi doona ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo wasiirka arrimaha dibedda Fumio Kishida.

Waxa uu jimcaha booqan doonaa dalka Koarea-da Koonfureed oo uu kula kulmi doono sii hayaha xilka madaxweynaha Hwang Kyo-ahn iyo wasiirka arrimaha dibedda Yun Byung-se, hase yeeshe wax kulamo ah lama yeelan doono xisbiyada mucaaradka Korea-da Koonfureed.

Japan iyo Koread-a koonfureed oo marti geliya ciidamada Mareykanka ayaa taageeraya dadaallada Mareykankaa uu cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale ku saarayo Pyongyang.

Bayaan kasoo baxay qeybta toddobaad ee ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu sheegay in saddexdan dal ee xulufada ah ay dhoola-tus ka sameynayeen maanta badda kala qeybisa jasiirad u yaalka Korea, iyo waqooyiga Japan, si ay u muujiyaan awooddooda.

Lugta ugu dambeysa socdaalka Tillerson ayuu ku tagi doonaa dalka China, halkaasi oo uu kula kulmayo madaxweyne Xi Jinping, si uu ugu sii gogol xaaro, shir madaxeedka Xi iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo la filayo inuu bisha April ka dhaco gobolka Florida ee Mareykanka.

XS
SM
MD
LG