Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulka Kubadda Kolleyga Uganda oo Kan Somalia uga Badiyay 94-72


Sawir Hore
Sawir Hore

Xulka kubadda Koleyga wiilasha ee Soomaaliya ayaa shalay kula cayaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar xulka Qaranka dalka Uganda ee loo yaqaan - the Silverbacks- cayaar ka mid ah tartanka kubadda koleyga xulalka Qaaradda Africa ee loo yaqaan Zone five.

Cayaartaas oo ay wiilasha xulka Soomaaliya soo bandhigeen cayaar wanaag ayaa waxaa looga badiyay 22 dhibcood.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa keensaday 72 dhibcood, halka xulka Qaranka Ugadana ay keensadeen 94 dhibcood.

Cabdulqaadir Xaaji Daahir oo loo yaqaan Sheeqa oo ah macalinka xulka Qaranka Kubadda Koleyga ee Soomaaliya, ayaa sheegay in guul daradooda ay ugu wacantahay caqabado ka soo wajahay Masar, gaar ahaan dhinaca socdaalka, xiriirka kubadda koleyga ee Masar iyo hey’adda abaabuleysa tartankan.

Faarax Jaamac nuur (Faarax Oday) oo ah Madaxa xulka Qaranka Kubadda Koleyga Soomaaliya ayaa VOAda u sheegay in caqabadaha xulkiisu ay la kulmeen ay ka mid tahay in loo diiday sadex cayaartooy oo Soomaali ah oo heysta dhalasho ajnabi ah oo lagu xujeeyay inay soo cadeeyaan inaysan ka cayaarin dalalka ay ka yimaadeen.

Waxaa kaloo xusid muddan in tartankaasi ay ka qeyb galayaan sadex xul oo ka socda Bariga Afric oo dhamaantood ay wataan macalimiin Soomaali ah oo horey uga tirsanaa xulka Qaranka Kubadda Kolleyga Soomaaliya

Xulka Somalia waxaa wata Cabdulqaadir Xaaji Daahir oo loo yaqaan Sheeqa, Xulka Uganda waxaa wata Cabdulqaadir Barajab, halka xukla Kenyana uu wato Maxamed Shiiq Hollaqsane.

XS
SM
MD
LG