Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Abaabuleysa Ciidan Soo Furta Markab la Afduubtay


Booliska badda ee puntland
Booliska badda ee puntland

Mas’uuliyiinta Soomaalida ee Puntland ayaa sheegay inay abaabulayaan ciidamo amni oo soo furta markab la sheegay inay soo afduubeen kooxo hubaysan, kaasoo la geeyay meel u dhow xeebta Caluula.

Guddoomiyaha degmada Caluula Cali-Shire Maxamuud Cismaan ayaa VOA u sheegtay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin budhcad badeed, sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee nin sheegtay inuu ka mid yahay dadka markabka soo qabsaday ayaa VOA isna u sheegay inay yihiin kalluumaysato.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii shalay la afduubay.

Mas’uuliyiinta la socda markabkaasi ayaa VOA u sheegay inay la socdaan toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashaya dhammaantood dalka Sirilanka.

XS
SM
MD
LG